allsaxafada
Category archives for: Arimaha Bulshada

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Balcad

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole). Xilka Guddoomiyaha degmada Balcad ayaa waxaa loo magacaabay Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug) oo horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad, waxaana warkan lagu sheegay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Hirshabeelle.

Yuusuf Garaad oo cashar u dhigay Maamul goboleedyada (Akhriso Qormo uu qoray)

Dalka Soomaaliya waa mid ka soo kabanaya dagaal sokeeye. Geeridii, dhaawacii, qaxii iyo burburkii dagaalka sokeeye dartood, konton iyo toddoba sano ka dib Dowladnimada Soomaaliya waa mid mar labaad socod-barad ah oo hadda la kabkabayo una baahan koolkoolin iyo in loo turo. Sagaashanaadkii Waxaan ka soo gudubnay xilligii Sagaashamaadkii oo aan ahayn Dowlad la’aan. Waa […]

MUUQAAL:-Barnaamijka Dareenka Shacabka oo lagu falanqeeyay ismaandhaafka u dhexeeya Dawladda Fedaraalka ah iyo Maamul-Gobaleedyada

Barnaamijka Dareenka Shacabka iyo Siyaasiga oo uu soo tabiyo Wariye Durraan Cabdullaahi Shurwac, kaasoo si joogta ah uga baxa Telefishinka Caalamiga ah ee Horn Cable ayaa lagu falanqeeyay Ismaandhaafka u dhexeeya Dawladda Fedaraalka ah iyo maamul-gobaleedyada. HOOS KA DAAWO BARNAAMIJKA DAREENKA SHACABKA.

DAAWO: Odayaasha dhaqanka Hawiye oo maanta soo saaray go’aan adag & Arinta Qalbi-dhagax oo…

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa maanta mar kale si weyn utaageeray go’aankii ay dowladda ka qaadatay Arinta Qalbi-Dhagax. Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa wariyaasha usheegay in dowladu ay ku saxneyd go’aankaas. “Dowladu waa ay ku saxneyd iney dhahdo Qalbi-dhagax waa Argagaxiso”ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Dareenka Shacabka-Falanqeyn Gacan galintii Qalbi Dhagax Aamusnanta DFS Vs Ethoipia+Xog Dheeraad ah.

Hoos ka daawo barnaamijka dareenka shacabka.

Cabdi Maxamed Cumar: “Al-shabaab in ay soo noqdaan ayaa loo ooyayaa ee Qalbi Dhagax loo ooyi maayo”

Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadley xaaladda ka dhalatey qabashadii Cabdikariim Sheekh Muuse waxaana uu hadalkiisa ka bilaabay in la iswaydiiyo cidda uu yahay Cabdikariin. Cabdi Maxamed CUmar ayaa sheegay in Qalbidhagax yahay nin udhasay DDSI islamarkaana ahaa booliskii ugu horeeyay ee deegaanka kililka shanaad falal denbina ka galay deegaankaas sidaasna […]

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada Hirshabeelle oo sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan

Xildhibaan Dr.Abdullahi Maxamed Addow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qaban-qaabada doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi. Xildhibaanka, ayaa sheegay in aysan dhici doonin dib-u-dhac ku yimadda xiliga doorashada, sida uu hadalka u dhigay. 12 bishan September, ayaa la filayaa in Magaalladda Jowhar ay […]

Daawo: Siilaanyo oo dib ugu laabtay Hargeysa

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi, kadib safar caafimaad oo uu ku aaday dalka Imaaraadka Carabta. Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Siilaanyo in dalka uu ka baxay 18-kii August ee sanadkan, qaliin fududna uu […]

DHAGEYSO: Guddiga Doorashada M/weynaha Hirshabeelle oo lagu dhawaaaqay

Sheekh Cusmaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Guddiga Doorashada madaxtinimada maamulka Hirshabeelle oo dhowaan dhici doonta, sida uu qorshuhu yahay. Guddiga Doorashada ee uu magacaabay Guddoomiye Sheekh Cusmaan ayaa ka kooban 9 xubnood, oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasi oo ka shaqeynaya diyaarinta Doorashada […]

Nuuno Cumar Waasuge kulan sogootin iyo mahad celin walaasheed Batuulo Xaaji Nuur oo ka Timid wadanka nederland

Nuuno Cumar Waasuge kulan sogootin iyo mahad celin iskugu jirta u sameeysay Walaasheed Batuulo Xaaji Nuur oo ka Timid wadanka nederland haatana dib ugu laabanaysa dalkeedi waxaa kaloo soo dhaweeynta ka qaayb Qaatey Diib Cabdi Jaamac Iyo Khadiijo Cabdi Gacal (Naley) Waxeey ka mid ahayeen Hablihii hore ee Kubadda Kolayga ciyaari jirey magac iyo maamuus […]

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes