allsaxafada

Wasiiru Dowle ka tirsan Puntland oo Ciidamo Hubeysan ku Toogteen Boosaaso Faahfaahin

Gelinkii danbe ayaa kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen wasiiru dowlaha wasaaradda dekedaha, iyo Ilaalada badaha Puntland, Axmed Siciid Cabdi

Falkaan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso, xili wadada uu marayay wasiirka ay aheyd mid aad u mashquulsaneyd, iyadoo kooxdii falkaan geysatay la sheegay in gacanta lagu dhigay.

Mas’uulka ayaa la dhigay cisbtalka magaalada Boosaaso waxaana dhaawacyo kasoo gaareen dhanka feeraha iyo gacanta, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka gobolka beri.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka iyo xukuumadda Puntland, balse waxay sheegeen inay dib ka faahfaahin doonaan weerarkaan.

Magaalada Boosaaso ahayd magaalo sanadba sanad sii kobceysa, waxaana ay noqotay magaalo mashquul badan oo falalka ka dhasha ciriiriga wadooyinka ay sababaan shilal noocaan oo kale ah.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=18460

Posted by on feb 1 2018. Filed under Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes