allsaxafada

Sambaloolshe oo ka hadlay Doorashadii ka dhacday Jowhar

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa dhaliilay Doorashadii Kursiga Golaha Shacabka 28-kii bishii January ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay (Sambaloolshe) inuu Kursigiisa ku waayay ilaa Saddex arrimood oo kala ah Guddiga Doorashooyinka oo hab aan wanaagsaneyn howsha u waday, Faragelin toos ah oo Dowladda Doorashada ay ku heysay iyo Ergada oo lacag garka loo geliyay, si ay ugu codeeyaan qofka ay Dowladda wadato.

Taliye Sambaloolshe oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay Doorashadan inuusan ku faraxsaneyn, balse uu isaga qancay, wuxuuna tilmaamay in Dowladda Federaalka ay maalgelineysay Nuur Iidow Beyle oo xildhibaanimada kaga guuleystay isaga.

Sidoo kale wuxuu sheegay Agaasimhii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya in isaga iyo Madaxda dalka ay ahaayeen dad isku dhow oo saaxiibo ah, balse sheekada ay xumeeyeen dad uu sheegay in ay u dhaxeeyaan, wuxuu kaloo tilmaamay hadii uu ku soo bixi lahaa kursigan inuusan noqon laheyn sida laga filyay ee ah inuu Mucaarad noqdo, balse kursigan uu shacabka ugu adeegi lahaa.

Dhanka kale markii uu hadalkaas ka soo baxay waxaa arrinatn ka hadlay Nuur Iidow Beyle oo ah xildhibaanka guuleystay, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin hadalka ka soo yeeray (Sambaloolshe), Doorashadana ay ku dhacday si xor iyo xalaal ah.

Wuxuu sheegay Doorashadan in ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenkiisa, Guddiga Doorashooyinka, Madaxda Gobolka kan degmada, Warbaahinta iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay ilaa Lix Musharax oo kala ahaa C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe Taliyihii hore ee NISA, Cali C/laahi Cosoble Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Dahir Cabdulle Cawaale, Nuur Iidow Beyle, Dahabo Xasan Axmed iyo Xuseen Axmed Geelle.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=18463

Posted by on feb 1 2018. Filed under Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes