allsaxafada

Nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay degmada Baraawe

Kooxo Hubeysan ayaa xalay degmada Baraawe ku dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaas, kaddib markii uu ka soo baxay masaajid, iyadoo kooxdii falkaas dilka geystay ay baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka la dilay lagu magacaabi jiray Sayid Xaaji Xuseen, waxaana uu ahaa nin da’ ah, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Nabadoonkan ayaa xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ka soo noqday degmada Baraawe Xoghaye.

Ciidamada ammaanka Baraawe ayaa xalay ka sameeyay xaafadaha degmada howl gallo lagu baadigoobayo kooxdii dilka geysatay, hase ahaatee laguma guuleysan in la soo qabto.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=17908

Posted by on dec 6 2017. Filed under Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes