allsaxafada

DAAWO VIDEO:-Siyaasiga Cali Daacuun Oo Sheegay In Shirka Kismaayo Lagu Burburinayo Qaranka Soomaaliyeed

Siyaasiga weyn ee Cali Maxamed Axmed (Cali Daacuun) ayaa si kulul uga hadlay Shirka maamul-gobeleedyada dhawaan uga furmay magaalada Kismaayo, kaasoo ku tilmaamay inuu yahay mid lagu burburinayo Qaranimada Soomaaliyeed.

Waxaa Cali Daacuun uu sheegay in ujeedada wayn ee shirka Kismaayo loo qabtey ay tahay in Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ay ku sii fadhiyaan Kuraastooda oo waqtiga dheeraystaan, isla markaana ay dawladdii dhalataba ka qaataan lacago baad ah, haddii ay diiddana ay ka shaqayaan sidii ay u burburin lahaayeen.

Cali Daacuun wuxuu eedayn culus usoo jeediyay siyaasiyiinta sar-sare ee Beesha Daarood, kaasoo sheegay in ay shacabka Beesha Daarood mar kasta been ku kicin jireen, ayagoo ku oran jiray in Beesha Hawiye aanay doonayn nidaamka fedaraalka ah, taasoo ah mid aanay waxba ka jirin.

Waxaa Siyaasigu uu Shacabka Puntland ugu baaqay in ay iska qabtaan Cabdiweli Gaas, kaasoo sheegay in ay ka digtoonaadaan in Cabdiweli Gaas uu abuuro fidno la mid ah tii dhex martay Maxamed Siyaad iyo Cabdullaahi Yuusuf ama SSDF iyo Dawladdii Millatariga ahayd.

Waxaa Sidoo kale uu Cali Daacuun Shacabka reer Kismaayo ugu baaqay in ay iska ilaashaan Axmed Madoobe oo ku tilmaamamay mid aanay gacantiisa ku jirin deegaanada Jubbaland, kaasoo been sheegaya oo oranaya Daarood ayaan wax u doonayaa, isla markaana ilaashanaya danihiisa gaarka ah.

Ugu dambayn Cali Daacuun waxaa uu Dawladda Fedaraalka ah ugu baaqay in ay la dirirto madaxda maamul-gobaleedyada, isla markaana ay runta u sheegto oo ku tiraah maamul-gabeeleed ayaa tihiin ee dawlad ma tihiin, kaasoo hadalkiisa ku soo gunaanaday “Uma baahnin inaan dib ugu laabanno 1991gii”.

HOODS KA DAAWO MUUQAALKA.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=17011

Posted by on okt 10 2017. Filed under Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes