allsaxafada

Carvajal Oo noqday Xiddigii Seddexaad ee Qandaraaska u kordhiya Real Madrid Isbuucaan

Real Madrid ayaa heshiiska kala gaartay daafaca midig Dani Carvajal inuu sii dheereeyo qandaraaska uu ku joogo kooxda isagoo ogolaaday inuu labo sanno ku kordhiyo sida ay kooxda shaacisay maanta.

Qandaraaska cusub ee Dani Carvajal ayaa dhici doona sannada 2022 iyadoo markii hore uu qandaraaskiisa ku ekaa 2020.

Daafaca midig ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan ee kooxda Real Madrid ka dib markii ay dib uga soo iibsadeen Bayer Leverkusen sannadii 2013..

“Real Madrid iyo Dani Carvajal waxa ay isku raaceen in qandaraaska loo kordhiyo ciyaaryaahnka, waxaana uu kooxda sii joogi doonaa ilaa iyo 30ka bisha Juun 2022.” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Los Blancos.

Dani Carvajal ayaa berri qaban doona shir jaraa’id oo lagu maamuusayo qandaraaska cusub ee uu u saxiixay kooxda.

Carvajal, oo kor u qaaday seddex koob oo Champions League iyo hal koob oo horyaalka La Liga ah tan iyo markii uu soo laabtay ayaa noqonaya ciyaaryahankii seddexaad ee Madrid ee qanaraas cusub saxiixa ka dib Marcelo iyo Isco.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=16578

Posted by on sep 17 2017. Filed under Somali news, Sport. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes