allsaxafada

Cabdi Maxamed Cumar: “Al-shabaab in ay soo noqdaan ayaa loo ooyayaa ee Qalbi Dhagax loo ooyi maayo”

Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadley xaaladda ka dhalatey qabashadii Cabdikariim Sheekh Muuse waxaana uu hadalkiisa ka bilaabay in la iswaydiiyo cidda uu yahay Cabdikariin. Cabdi Maxamed CUmar ayaa sheegay in Qalbidhagax yahay nin udhasay DDSI islamarkaana ahaa booliskii ugu horeeyay ee deegaanka kililka shanaad falal denbina ka galay deegaankaas sidaasna ku galay duurka, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray inuu qalbi dhagax xasuuq ba’an ka gaystay gobolada doollo, qoraxey, jarar iyo shabeele islamarkaana ay arrintuusu u taalo tastuurka iyo mas’uuliyiinta dalka.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa ka hadlay dadka siyaabaha kala duwan uga hadlaya arrinka ninka la yiraahdo Qalbi dhagax isagoo sheegay inay wataan dano qarsoon oo usocda meelo kale.

Cabdi Maxamuud Cumar waxaa uu sheegayaa in Cabdikarim oo loo ooyo ay la mid tahay iyada oo loo ooynayo Al-shabaab iyo kooxaha kale ee sida uu sheegayo argigixisa ah ee ku xiran dibadda, isaga oo soo jeediyay in dhaawicii Cabdikarim ee 77 inta laga hadlaayo ay haboon tahay in laga hadlo waxa ay Al-shabaab u geystaan ciidamada Soomaaliya.

DAAWO

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=16378

Posted by on sep 5 2017. Filed under Arimaha Bulshada, Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes