allsaxafada

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada Hirshabeelle oo sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan

Xildhibaan Dr.Abdullahi Maxamed Addow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qaban-qaabada doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in aysan dhici doonin dib-u-dhac ku yimadda xiliga doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

12 bishan September, ayaa la filayaa in Magaalladda Jowhar ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle.

Cabdi Faarax Laqanyo oo horay u soo noqday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, ayaa munaasabad ka dhacday Magaalladda Muqdisho uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Dhinaca kale waxaa jira musharixiin kale, kuwaas oo aan wali warbaahinta horimaan.

Baarlamaanka maamulka Hirshabele ayaa bishii October ee sanadkii 2016 madaxweyne u doortay Cali Cabdulahi Cosoble oo helay codad gaaraya 61 cod.

Waxaa la tartamayay Maxamed Cabdi Waar oo isna helay 36 cod.

Dhinaca kale bishii August, isla Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala noqday Cali Cabdulahi Cosoble, waxaana go’aanka Baarlamaanka taageeray dowladda Federaalka.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=16351

Posted by on sep 4 2017. Filed under Arimaha Bulshada, Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes