allsaxafada

DHAGEYSO: Guddiga Doorashada M/weynaha Hirshabeelle oo lagu dhawaaaqay

Sheekh Cusmaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Guddiga Doorashada madaxtinimada maamulka Hirshabeelle oo dhowaan dhici doonta, sida uu qorshuhu yahay.

Guddiga Doorashada ee uu magacaabay Guddoomiye Sheekh Cusmaan ayaa ka kooban 9 xubnood, oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasi oo ka shaqeynaya diyaarinta Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Sida warqada ku qoran Guddigan waxaa Guddoomiye looga dhigay Maxamuud Xuseen Yuusuf, halka ay Guddoomiye ku xigeeno ka yihiin Abuukar Xasan Cali iyo C/laahi Maxamed Caddow.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay magacaabistan in uu wada tashiyo kala sameeyay labadiisa ku xigeen iyo xildhibaanada Hirshabeelle.

Sidaasi darteed waxaa Guddigan lamagacaabay la faray in shaqadooda ay u gutaan si daacad ah oo waafaqsan Dastuurka KMG ah ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyo xeer hoosaadka sharci dejinta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Dastuurka maamulka Hirshabeelle ayaa dhigaya in mudo 30 cisho gudaood ah lagu doonayo in maamulka uu yeesho Madaxweyne cusub, kadib markii Madaxweynihii maamulkaasi Cosoble ay xildhibaanada rideen bartamihii bishan.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=16219

Posted by on aug 29 2017. Filed under Arimaha Bulshada, Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes