allsaxafada

Dowladda oo guddi u saartay dhacdadii Bariire

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday degaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose, sida uu SONNA u xaqiiyey wasiirka Amniga Soomaaliya oo gudoomiye u ah guddigaasi.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in la sameeyey guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhacdadii Bariire, islamarkaana aan laga hari doonin inta laga xaqiijinayo waxa sababay dhacdadaasi.

Guddigaan ayaa looga fadhiyaa in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dhacadaasi si bulshada loola wadaago xaqiiqda waxa ka dhacay degaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Mudane Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dadkii Shalay lagu dilay degaanka Bariire ay ahaayeen dad Shacab ah oo Masaakiin ah.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si kama’ah ay u dileen dad Shacab ah, oo beeraleey ah oo aan waxba galabsan.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=16069

Posted by on aug 26 2017. Filed under Arimaha Bulshada, Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes