allsaxafada

Pro Jawaari oo khudbad ka jeediyay shirka guddoomiyaasha Baarlamaannada Qaarada Africa.

Guddoomiyaasha Barlamaannada dalalka Qaaradda Africa, ayaa kulankoodii sanadlaha ahaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay uu uga furmay xarunta Baarlamaanka Africa ee magaalladda Johansbeg.

Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka Africa, ayaa waxaa shirkaasi uga qeyb-galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Md. Jawaari, ayaa wafdigiisa waxaa qeyb ka ah, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka South Africa Jamaal Maxamed Barrow, wasiiro iyo xubno kale.

Kulanka waxaa looga hadlayay arrimo muhim ah oo quseeya Qaarada Africa gaar ahaan dhallinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaallaha, iyada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas.

“Bulshada Soomaaliyeed 70% da’dooda waxay ka hooseeysaa 30 jir, halka 42% da’dooda ay u dhexeyso 14 ilaa 29 kuwaasi oo ay horyaallaan arrimo badan oo xal u baahan”, sidaasi waxaa kulanka ka sheegay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Md. Maxamed Sheikh Cusmaan “Jawaari” ayaa waxaa uu sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay in garab laga siiyo saddax dhinac.

Shirka ayaa dhawaan la filayaa in lasoo afmeero.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=15580

Posted by on aug 11 2017. Filed under Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes