allsaxafada

DEG-DEG:-Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho

Weerar ismiidaamin ah, ayaa goor dhow ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo bartilmaameydku uu u muuqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed, General Xuseen Xasan Cismaan.

Nin xirnaa suunka walxaha qarxa ka samaysan, ayaa waxaa la sheegay in uu isku qarxiyay barxadda Xabsiga Dhexe, oo ku dhow Masaajidka ay ku tukadan shaqaalaha iyo maxaabiista.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilligii uu qaraxu dhacayay in Taliyuhu uu ka soo degay gaarigiisa nooca aysan rasaasta karin, isla-markaana uu gudaha u galay Masaajidka.

Askari ka tirsan ilaalada Taliyaha, ayaa waxaa la tilmaamay in uu is hortaag ku sameeyay ninkaasi, oo sida la sheegay doonayay in uu gudaha u galo Masaajidka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa maalin kasta oo Jimce ah maxaabiista Salaadda Jimcaha kula tukada Masaajidka Xabsiga Dhexe.

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan laba qof ay ku dhimatay qaraxaasi oo midi uu yahay askarigii ilaalada u ahaa Taliyaha Asluubta, iyadoo midka kalana uu yahay ninkii is qarxiyay, halka dhawr kalana ay ku dhaawacantay, oo Taliyuhu uu ku jiro. Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhaawaca Taliyuhu uu yahay mid fudud.

Ciidamada Nabad Suggida oo gaaray halkaasi, ayaa xiray wadooyinka soo gala Xabsiga Dhexe, sidoo kale waxay baaritaano ka wadaan gudaha xabsiga.

Wararka, ayaa sheegaya in ninka weerarkan gaystay uu ka tirsan yahay ciidanka tababarka u xareysan, waxaana la leeyahay wuxuu ka soo gudbay laba bar kontorool oo dadka lagu baaro.

Waxaa su’aalo laga keenay qaabka ninkaasi ay ugu suurtagashay inuu gudaha u galo Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo amnigiisu si aad ahi loo ilaaliyo.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=15596

Posted by on aug 11 2017. Filed under Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes