allsaxafada

Maamulka Gobolka Banaadir oo casho sharaf u sameeyey ergooyinkii ka qeyb galayey Shirkii dib u heshiisiinta Qaran.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Xalay Waxaa uu casha Sharaf Usameeyay Ergooyinkii ka Qaybgalay Shirkii Madasha Wada Tashiga Qaran Kaasi oo Mudda Shan Maalin Ka Socday Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowlada Soomaliya iyo xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan saagootin ah oo uu Maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay ergadii ka socotay Maamul Gobaledyada dalka ee ka qeyb galaaya shirweynaha qaran ee dib uheshiisinta umada Soomaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamad ayaa Sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu Go’aansaday inuu Dhirgaliyo Ergooyinka ka Qaybgalay Shirkaasi Maadaama Caasimadda ay Tahay Hooyada Caasimadaha Dalka isagoo Boogaadiyay Ergooyinka Doorkooda Dib uheshisiinta Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa Uga Mahadceliyay Maamulka Gobolka Kulanka Soo Dhawaynta ah ee uu u sameeyay Ergooyinka waxaana uu Tilmaamay in Shirkii Soo gabagaboobay uu Bilaw Uyahay Dib u hishiinta Bulshadda isagoo Ku booriyay Dhamaan Ka Qaybagalayaashii Shirkaasi ee lagu Casuumay Munaasabadda inay Sii Xoojin Dadaalkooda ku Aadan dib Uheshishiisiinta laguna Baahiya Dhamaan Gobolada Dalka .

Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdulaahi Farmaajo ayaa Maalinimada Shalay Soo Xiray Shirkii Dib Uheshiisinta Qaaranka Kaasi oo Mudda Shan Maalin Ah Ka socda Magaalada Muqdisho

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=14673

Posted by on jun 18 2017. Filed under Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes