allsaxafada

DEG DEG: 9 ruux oo cudurka shuban biyoodka ugu geeryootay degmada Xarfo ee gobolka Mudug

Inta la xaqiijiyay 9 ruux ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeryootay saddexdii maalin ee ugu dambeysay degmada Xarfo ee gobolka Mudug,sida ay Raxanreeb ka soo xigatay mas’uuliyiinta deegaanka.

Dadka dhintay waxaa ku jira lix carruur ah iyo saddex haween ah,waxaana la sheegay ku dhawaad 40 ruux xilligan inay la il-daranyihiin cudurka,iyadoo saacad walba ay dhici karto in shuban biyoodka ay dad ugu geeryoodan degmada Xarfo.

“Cudurkan magaalada waxaa lugu arkay saddexdii maalin ee ugu dambeysay ilaa haddana sagaal ruux ayaa u dhimatay.” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xarfo, Bashiir Macallin Daahir oo la hadlay Raxanreeb.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay degmada inaysan lahayn isbitaal,xilliganaa dadka uu cudurka soo ritay in la dhigay MCH magaalada iyo dugsi wax lugu barto oo lugu magacaabo Horyaal.

Wuxuu guddoomiyaha degmada qaylo dhaan u diray dowladda iyo bulshadda Soomaaliyeed,isagoo ugu baaqay si dhaqso ah in gargaar caafimaad loo soo gaarsiyo degmada.

“Wali waan la tacaaleynaa cudurka,laakin awood uma lihin inan daweyn ballaaran sameyno,maaddama aysan jirin isbitaal dabooli kara baahidda caafimaad ee jirta.” Ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xarfo.

Wuxuu xaqiijiyay guddoomiyaha inuu cudurka ku fidi karo degmada oo dhan iyo deegaannada ku dhow,si aysan taas u dhicin ayuu ku celiyay baaqisa ah in si dhaqso ah degmada loo soo gaar.Marka wuxuu si gaar ah ula hadlay qurba-joogta iyo hay’adaha kale ee arrimaha caafimaadka ku shaqadda leh.

Degmada uu cudurka ka dilaacay ee Xarfo oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa ka mid ah deegaannada qadiimiga ah,haddana degmada ma leh adeeg caafimaad oo ku filin,taaso maanta dhalisay si dhaqso ah cudurka shuban biyoodka inay ugu geeryooday dad carruur iyo haween u badan.

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=14642

Posted by on jun 16 2017. Filed under Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes