allsaxafada

Kulan dhiira galin ah Ama Hambalyeyn ah oo lagu taageerayo Fadumo Yussuf Abdi oo ka qalin jabisey Master ka maadada Uddannelser og Videnskab ama luqada Somaliga lagu dhaho waxbarashada Culuumta Baarista ee Jamacada Aarhus ku soo xirtey master.

Kulan dhiira galin ah Ama Hambalyeyn ah oo lagu taageerayo Fadumo Yussuf Abdi oo ka qalin jabisey Master ka Maadada Uddannelser og Videnskab ama luqada Somaliga lagu dhaho waxbarashada Culuumta Baarista ee Jamacada Aarhus Ayaa lagu qabtay Aarhus.

Kulankaan ayaa waxa ka sooqeyb galay, Odey dhaqameyda, Aqoon yahanada, dhalinta dumarka Somaliyeed ee ku kala sugan Nawaxiga Jylland, ayaa waxa  oraaho qiimo badan oo soo jiidasho iyo dhiira galin ah ka yiri qaar ka mida dadkii Xaflada ka soo qeyb galey oo isgu jira rag iyo dumarba.

Waxa ayado quraan ah oo macaan halkaa ka aqriyey Omar yare oo ahaa inan aad u da yar.

Abdirashiid Sheikh Maxamuud (Siyasi) Ayaa waxa uu si guud iyo gaar ugu mahad celiyey Faadumo yuusuf iyo Gabdho kale oo ay isku fasal ahayeen oo xafladaa ka soo qeyb galey kuna dhiiriyey in ay bulshada aqoontooda ugu adegaan.

Waxa asana duco iyo waano halkaa ka soo jediyey Sheekh Omar aadna ula dardaarmey Fadumo yuusuf cabdi.

Daahir Waasuge ayaa Bulshadii kulla dardarmay in lagu daydo faadumo isla markaana tageero weyn halkaa ka muujiyey.

Odey Abdi Kaafi isla markaana ah mulkiilaha Safari Shop aarhus ayaa ku dheeraadey in ay wax barashadu tahay furaha nolasha ayna laheyn da qofkatana uu ka faaideysan karo.

Pro Gaa gaale oo ahaa macalin isla markaana ah odayaasha sida gaarka ah looga ixtiraamo ayaa si guud iyo gaar ula hadley faadumo yuusuf iyo dadkii halkaa ka soo qeyb galey.

Enjineer Ahmed Jabril ayaa isna sidoo kale faalo dheraad ah ka bixiyey habka wax barashada iyo sida looga faideysan karo,

Mohamud Heybe oo ahaa lataliyaha xaga waxbarashada ardeyda ayaa asna kalmado muhiim ah halkaa ka yiri, Nastheho oo ah dhaqtarad isla markaana ah hooyo somaliyeed ayaa halkaa ka qirteyin ay maanta tahay guul u soo hoyatey dhamaan hooyooyinka iyo  Somalida oo dhan kuna boorisey in ay ragu fadhiga ka kacaan madama Dumarka ay la kulmaan arqalado waxbarashada dib uga dhigi karta sida marka ay uurka yeshaan halka ninka uusan wax carqalad ah aysan heysan, iyo Qaarkale oo badan.

waxa hadalo gunanadka ka hadley Fadumo hoyaded suldaano cabdullaahi Cilmi iyo Abtigeed osmaan cabdullaahi Cilmi una mahad celiyey dhamaan dadkii dhiira galiyey kana caawin jirey wax walba oo la soo kulanta isla markaana si guud iyo gaar ah ugu hambalyey ka soo qeyb gala yashii isla markaana Gudoonsiiyey hadyado ay Fadumo uwadeen

Sawirada hoos ka daawo

Gudoomiyaha Qaban qaabada Xaflada Omar Jaamac (Good)

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=12994

Posted by on apr 10 2017. Filed under Arimaha Bulshada, Somali news, Tahniyada. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes