allsaxafada

Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare allaha u naxariistee,Bal aqri sidii oo hantida dadweeynaha u dhoorijiray, iyo kuawa haatan jooga

Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare allaha u naxariistee ayaa intii uu Soomaaliya u talinayey waxaa dhacdey in Sannadihii 1970-yadii nin ganacsade ahaa oo la oran jirey Jirde Xuseen allaha u naxariistee ayaa iibsaday {Bar Savoy} oo ku yiil Bartamaha Magaalada Muqdisho, Bar-Savoy dhanka Koonfur-Bari waxaa kaga dheganaa dhismaha Xafiiska laga diiwaangeliyo baabuurta iyo warqadda lagu wado baabuurta {driving License}, Xafiiskaas waxaa lagu magacaabi jiray {PRA = Public Registeration Automobile}.

Taajir Jirde Xuseen wuxuu jeclaystay inuu dowladda ka iibsado dhismahaas oo xilligaas Baraako fool-xun ahaa,qalqaaladii waxaa ka wasteeyey oo arjigii codsiga ka qaaday Cumar Carte Qaalib oo ay u dhaxday ama xaaskiisu aheyd ina-Jirde Xuseen, xilligaasna ahaa wasiirka arrimaha dibedda oo Madaxweyne Siyaad Barre ay isku fiicnaayeen, gabayadiisii jacburka ahaa iyo qarawgii uu ku sheegi jiray inuu ku riyooday Siyaad Barre oo Soomaaliya ka samatabixiyey aafadii ku habsatay waayadii maamulkii Musuqmaasuqa ayaa sidii lagu yiqiin Cumar Carte inta lebbistay suud qurux badan oo ilqabad leh, timahana shanladii rasto ka dhex jeexay ayuu xafiiska madaxtooyada ugu tegay Maxamed Siyaad Barre oo ku mashquulsan saxiixa warqado xoghayntu soo diyaarisay oo waqtigaas hortaagnayd.

Gabay jacbur Carabi ah oo nuxurkisu ahaa duco balse Madaxweyne Siyaad Barre uusan fahmin markuu mariyey, arjigii Jirde Xuseen ku codsanayey in dhismaha PRA laga iibiyo ayuu hordhigay, wuxuuna u raaciyey baryootan iyo hoodo sheegasho uu ku sigtay inuu gondaha ama jilbaha qabsado si sodoggi looga iibiyo dhismaha PRA.

Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare caro darteed sigaarkii laba-laba ayuu u shitay, dhowr fijaan oo qaxwe {coffee} ahna
waa cabay, wuxuuse Cumar Carte ugu jawaabay “Digtatoor keligii taliye dembiyo badan galay haba laygu sheego, laakiin lagama yaabo dhismo qaranku leeyahay inaan shaqsi ku wareejiyo”. Siyaad Barre isla markiiba wuxuu amray Baraakadii PRA in 5 dabaq looga dhiso xarunta wasaaradda maaliyadda.

Dhinaca kalena Dabayaaqadii sannadkii 1980-yadii Jeneraal Maxamed Faarax Xersi “Gacmogooye” ayaa shil Baabuur ama Gaari ku geeriyooday wuxuu ahaa sarkaal firfircoon oo hanaqaadka Kacaankii Oktoobar hawl badan ka soo qabtay. Afadii Jennanku ka geeriyooday oo ay baritaarayaan qaar ehel la ah Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare alaha u naxariistee ayaa xafiiska madaxtooyada isku shubay, waxay Siyaad Barre ka codsadeen in agoonta laga iibiyo dhul yar oo beri ahaan jiray xafiiskii hore ee Rugta Ganacsiga, kuna yiil dhabarka dhismaha weyn ee dowladda {Ufficio Governo}.
Arjigii ayaa la hordhigay, waxaa loo sharxay Jenaraalka xijaabtay inuu ahaa halyey abaal lama iloobaan ah ku leh Kacaanka, waxaa laga codsaday agoonta in taageero iyo wax-u qabasho looga dhigo dhulkaas yar oo laga iibiyo.
Madaxaweyne Maxamed Siyaad intii uusan u jawaabin, wuxuu u yeeray Jeneraal Jaamac Badwi taliyihii hoggaanka dhismaha Boliiska, kooxdii dhulka doonaysay oo xaadir ah, si ay u quustaan wuxuu amray in goobtaas laga dhiso Laanta Lacagaha Qalaad ee Bankiga.

Allsaxafada.com waxaa soo Gaarsiiyay Abdullahi Nu Colonbo
Qalinkii:Alaha u naxariistee Qoraagii Cabdulqadir Cismaan “Aroma”

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=10623

Posted by on dec 29 2016. Filed under Arimaha Bulshada. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes