allsaxafada

Dhageyso: Ugaaska Beesha Xawaadle Ugas Xasan oo Baaq cod dheer ah u diray dadka ku nool Gobolka Hiiraan

Ugaas xasan ugaas khaliif oo ah ugaaska Beesha Xawaadle ayaa Baaq Cod dheer ah waxa uu u diray Shacabka ku nool Gobolka Hiiraan.
Ugaaska ayaa ugu baaqay Dadka degan Gobolka Hiiraan in ay ka shaqeeyaan Nabada iyo Walaaltinimada,
“Dadka Reer Hiiraan Nabad wax dhaamo ma jirto Colaad wax aad ku keeneysaan majirto Maalin kasto qof ayaa dhimanaayo Meeqa qof ayaa ku dhimatay Magaaladan oo Nabad ka shaqeynaayay Maxaa idin diiday inaad aragti mideysan yeelatan oo isku si aad wax u aragtaan” ayuu yiri ugaaska.
Sidoo kale Ugaas Xasan ku baaqay in Dadka reer hiiraan ay Ubadkooda ilaalashaan ” Dadka Reer Hiiraan waxaa looga baahan yahay in Ubadkooda ay u horseedaan Mustaqbal wanaagsan,waan ognahay in ay jirto Siyaasad iyo Hagardaamo lagu hayo Dadka Degan Gobolka Hiiraan,taasna waxaa looga bixi karaa in Dadka Reer Hiiraan ay iyagu isku tashadaan”ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Ugaas xasan

Short URL: http://www.allsaxafada.com/?p=10570

Posted by on dec 28 2016. Filed under Arimaha Bulshada, Somali news. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Photo Gallery

Log ind | Designed by Gabfire themes